Prof. Mahad Alla: Waxaan eersaday dagaalkii aan la galay musuqii ka jiray jaamacadda Ummadda

by admin | Monday, Oct 16, 2023 | 99 views

Guddoomiyihii hore ee jaamacadda Ummadda, Prof Xasan Cumar Mahad alla, ayaa sheegay sababtii xilka looga qaaday in ay ahayd, dagaal uu kula jiray musuq maasuq ka dhex jiray jaamacadda Soomaaliyeed.

Prof Xasan Cumar Mahad alla, wuxuu wareysi uu bixiyay ku sheegay ka hor intii aanan xilka laga qaadin inuu xafiiska hanti dhowrka u gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo in baaritaan la galiyo jaamacadda Ummadda.

Wuxuu sheegay shakhiyaad kamid ah masuuliyiinta jaamaccadda inay sameeyeen wax isdaba marin.

“Dadkii aan kala dagaalamayay musuq maasuqa aan kala joogsiga lahayn, wallaahi waa joogaan, jaamacaddaasna iyagaa la dagaa dagaaya,” ayuu yiri Pro. Mahad Alla.

Prof Xasan wuxuu sheegay dad gudaha jaamacadda ku sugan iyo dad kaloo bannaanka jooga inay ku qaadeen dagaal, si uu faraha uga qaado musuq ka dhex jira jaamacadda Ummadda, waa siduu hadala u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee jaamacadda Ummadda ayaa wax laga weydiiyay waxa uu kala socdo, Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo kamid ahaa barayaasha jaamacadda Ummadda, oo ku biiray ururka Alshabaab.

Wuxuu sheegay in uusan waxba ka ogayn kiiskaas. Wuxuuse sheegay in Nageeye uu ahaa shakhsi aad u xirxiran oo aysan is fahmi jirin inta badan. Wuxuu tilmaamay inuu marar badan dhib saday dabeecadahiisa.

Prof Mahad Alla, wuxuu sheegay markii la waayay Nageeye inuu Booliiska nabad sugida ku war galiyay inay jaamacadda yimaadaan oo baaritaan sameeyaan, laakiin wuxuu sheegay in aan loo imaan.

Like it? Share it!

Leave A Response