Galmudug oo ka hadashay Khasaaraha Dagaalkii Maanta ka dhacay Burujeed

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 128 views

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaarraha uu dhaliyay dagaal kii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo sheegay inuu ku sugan yahay Burujeed ayaa BBC-da u sheegay in dagaal kii saaka lagu jabiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka cararreen maydad gaaraya sideed qof

Guddoomiyaha Guriceel ee Maamulka Galmudug oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda ay ka dhinteen 5 askari, todobo kalena ay ka dhaawacmeen, kuwaasi oo kamid ahaa ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda.

Gudoomiye Faarax ayaa sheegay in deegaanka Burujeed ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka.

Al-Shabaab dhankooda waxa ay sheegeen inay dileen lixdan ciidamada deegaanka ah, isla markaana ay furteen gaadiid dagaal. Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaarraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka ka dhacay Burujeed.

Like it? Share it!

Leave A Response