Madaxweyne Xasan oo xarigg ka jaray Waddo loogu magacdaray Madaxweyne hore

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 109 views

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis.

Labadaan waddo oo dadka deegaanka muhiim u ah ayaa waxaa si is-xilqaan ah ku dhisay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boggaadiyey maamulka gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taas oo ka tarjumeyso wadajir iyo wax wada qabsi shacab.

Madaxweynaha ayaana qeybaha kala ee degmooyinka gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka , kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response