Puntland oo kordhineysa xarumaha la tacaalida Coronavirus

by admin | Sunday, Apr 19, 2020 | 508 views

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay kordhinayaan Xarumaha lagula tacaalayo dadka laga helo ama looga shakiyo Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

War kasoo baxay Guddiga ka hortaga COVID19 ayaa lagu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dhamaan deegaannada puntland loogu sameyn lahaa Xarumo dadka lagu karantiilo oo ah kuwo muhiim ah.

Guddiga waxaa ay sheegeen in ay dadaal kasta u galayaan ka hortegida Coronavirus, iyada oo aysan jirin kiisas la xiriira COVID19 oo laga halay Magaalooyinka Puntland.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen inay horey dad u karantiileen sidoo kale ay sugayaan natiijada dad laga shakiyey oo dheecaankooda baaris loogu direy Kenya,isla markaana jawaabta ay sugayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response