Ciidanka dowladda oo Al-Shabaab degaano kala wareegay

by admin | Sunday, Apr 19, 2020 | 470 views

Ciidamada Millateriga dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la sheegay inay  howlgallo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Diiinsoor ee Gobolka Baay oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgalka ay ka bilaabeen deegaanka Gurbaan,isla markaana ay kula wareegeen deegaannada Bandhuub iyo Biilane oo ay sheegeen inay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo faah faahiyey howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay ka dambeysay,kadib markii dhowr jeer ay Al-Shabaab dileen dad Shacab ah oo Gawaarida loo yaqaano dameerka raashin ugu soo wadey degmada Dinsoor ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Cabdi Salaan Xaaji Siidoow oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in xilliyada ay soo dhowdahay Bisha Ramadaan ay Shabaab culeys soo saaraan degmada,waxaana uu ugu baaqay dadka Shacabka ah ee safarada u aadaya tuulooyinka hoostaga degmada Diinsoor in qofkii heli kara uu hubkiisa horey u sii qaato si uu isaga difaaco Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Howlgalkaan ay Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen tuulooyinka hoostaga degmada Diinsoor ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Saldhigyada Ciidamada ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response