Sacuudiga oo xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga dhoofiyo Somalia

by admin | Sunday, Apr 19, 2020 | 808 views

Qoraal kooban oo kasoo baxey dowladda Sacuudiga ayaa lagu shaaciyey inay xayiraadii ka qaadeen Xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ee loo iibgeyn jiray dalkaasi Sacuudiga.

Qoraalka oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Deegaanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu yiri”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaadey Xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Sacuudiga uu xayiraad saarey Sacuudiga kana qaadey,waxaana tallaabadaan uu haatan qaadey soo dhaweeyey Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xoolaha Nool u dhoofin jiray Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faah faahin ka bixiso tallaabadaan ay dowladda Sacuudiga xayiraada uga qaadey Xoolaha loo dhoofin jiray.

Like it? Share it!

Leave A Response