Waa sidee xaalada deegaannadii lagu dagaalamay ee Sanaag?

by admin | Monday, Apr 20, 2020 | 494 views

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag halkaasi oo shalay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay.

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ku geeriyooday laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ah labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in saaka ay dareemayaan xaalad deganaansho ah,hayeeshee ay weli cabsi dareemayaan maadaama ay ishor-fadhiyaan labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay markastana la filan karo inay dagaalamaan.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalkaas ayaa labada maleeshiyo beeleed waxaa uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyeen,isla markaana wax walba ay miiska wada hadalka ay ku dhameeyaan.

Tuulooyinka hoostaga degmada Ceelafweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaal beeleedyada iyada oo Soomaaliland ay ku guul dareysatay inay heshiis buuxa kala dhex dhigto maleeshiyaadka Dagaalamaya.

Like it? Share it!

Leave A Response