Qunsuliyadaha Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa oo weli furan.

by admin | Friday, Apr 12, 2024 | 34 views

Dowladda Itoobiya ayaan u hoggaansamin amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in la xiro labada qunsuliyadeed ee Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa,
Sida ay sheegayaan wararka, labada qunsuliyadood ayaa weli furan oo shaqeynaya, amarka dowladdana wax saameyn ah kuma yeelan howlahooda. Si kastaba ha ahaatee, Safiirka Itoobiya Muqtaar Maxamed Waare ayaa dalka uga dhoofay muddadii 72-saacadood ahayd ee loo qabtay, taasoo ku beegan Khamiistii ina dhaaftay.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Ambassador Rooda Cilmi iyo Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku gacan-sayray amarkii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku xirtay Qunsuliyadda guud ee Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee caasimadda Somaliland iyo Puntland.

Labada hogaamiye ee maamul goboleedyada oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo madaxda dowladda federaalka ayaa carabka ku adkeeyay in xiriir saaxiibtinimo iyo mid ganacsi ay la leeyihiin Itoobiya.

Soomaaliya ayaa dalkeeda ka ceyrisay safiirkii Itoobiya, waxayna amartay in la xiro labo qunsuliyadood, iyadoo ku eedeysay Itoobiya inay ku xadgudubtay madax bannaanida iyo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay X ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar ku sheegay in “Soomaaliya ay ku taagan tahay Qaranimadeeda” ayuu qoray. “Go’aankayaga ku aaddan ilaalinta dhulkeena waa mid sugan.”

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay 1-dii January heshiis is afgarad ah ku heshiisay inay 20km (12 mayl) ka kirayso xeebta Somaliland.

Heshiiskan ayaa dhigaya in xeebaha ku xeeran dekedda Berbera ee gacanka cadmeed ay Itoobiya u isticmaali doonto 50 sano arrimo ciidan iyo ganacsi. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, iyadoo ka digtay in la farageliyo arrimaha gudaha.

Like it? Share it!

Leave A Response