faafaahin : dagaal ka dhacay magaalada jowhar.

by admin | Thursday, Apr 11, 2024 | 34 views

magaalada Jowhar ee xaasimada hirshabeele waxaa ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka HirShabelle ee halkaas ku sugan .

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka wada tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada ee hirshabeele oo uu muran soo kala dhex-galay, sida ay warhaainta u sheegeen dad ku sugan magaalada jowhar.

Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkaasi uu ku dhintay hal askari, ayna ku dhaawacmeen kuwa kale.

magaalada jowhar waxaa weli ka jirta xiisad xoogan ayaa ka taagan tahay qaybo kamid ah magaalada oo ay isku hordhiyaan labada dhinac ee dagaalamay .

ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle oo ku aadan dagaalkaas iyo xiisadda ka dhalatay ee ka taagan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka hirshabeele.

Like it? Share it!

Leave A Response