Dib u soo kabashada budhcad-badeedda Soomaalida oo khatar ku keenaysa ammaanka baddaha.

by admin | Thursday, Apr 11, 2024 | 29 views

Xafiiska ICC ee caalamiga ah ee badaha (IMB) ayaa ka warbixisay kororka walwalka leh ee burcad-badeedda badaha ee xeebaha Soomaaliya rubuci hore ee 2024-ka.

Saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2024-ka ayaa waxaa sare u kacay falalka burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee loo geysto maraakiibta caalamka oo dhan, iyadoo 33 dhacdo la diiwaan geliyay, halka 27-kii shil ee lasoo dhaafay ay dhaceen isla muddadaas 2023-ka.

Dhacdooyinka la sheegay waxaa ka mid ah, burcad-badeeddu waxay fuuleen 24-markab, waxayna isku dayeen inay weeraraan lix, waxay afduubteen laba, midna ay rasaas ku fureen. Rabshadaha loo geysto shaqaalaha markabka ayaa sidoo kale sii kordhaya, iyadoo 35 la qafaashay, sagaal la afduubtay, midna loo hanjabay.

Warbixintu waxay iftiimisay isbeddelka welwelka leh ee dhaqdhaqaaqa budhcad-badeedda Soomaalida iyadoo laba la sheegay in la afduubay iyo burcad-badeeddu ay muujiyeen awoodda korodhka ah ee ay ku beegsanayaan maraakiibta ku sugan masaafo aad u fog xeebaha Soomaaliya.

Hal dhacdo oo xusid mudan ayaa ku lug lahayd markab xamuul ah oo ka babanaya calanka Bangladesh M/V Abdullah, kaas oo la afduubay 12-kii March iyada iyo 23 shaqaale ah oo la socday oo ay qafaasheen in ka badan 20 burcad-badeed Soomaali ah. Markabka ayaa xilliga uu shilku dhacayay waxa uu Muqdisho u jiray qiyaastii 550 nautical miles.

IMB ayaa walaac ka muujisay dhowr doomo iyo maraakiib kalluumeysi oo la sheegay in la afduubtay, kuwaas oo burcad-badeedda ay u adeegsadaan maraakiibta hooyada si ay weeraro uga soo qaadaan meelo ka fog xeebaha Soomaaliya.

“Dib-u-soo-nooleynta burcad-badeedda Soomaalida waa mid walaac leh, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo ganacsiga, la ilaaliyo waddooyinka, iyo bad-qabka badmaaxiinta ganacsigooda sii wata,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee ICC John W.H. Denton.
IMB waxay ku ammaantay mas’uuliyiinta ficillada ay ka jawaabeen. Hal howlgal oo xusid mudan oo ay qaadeen ciidamada badda Hindiya bishii March ayaa lagu soo qabtay 35 burcad badeed Soomaali ah, waxaana la sii daayay markab horay loo afduubtay iyo 17 shaqaale ah oo la socday.

Agaasimaha IMB Michael Howlett ayaa ku booriyay milkiilayaasha markabka iyo Masters-ka inay u hoggaansamaan tilmaamaha lagu taliyay ee noocii ugu dambeeyay ee Hababka Maareynta ugu Fiican (BMP 5). Waxa uu sidoo kale amaanay ciidamada badda India iyo ilaalada xeebaha Seychelles sida ay uga hortageen maraakiibta la afduubtay,ilaalinta shaqaalihii saarnaa,iyo qabashada burcadbadeedda.

Dhanka kale, shilalka ka dhaca gacanka Guinea ayaa heerkoodu hoos u sii socdaa, iyadoo lix laga soo sheegay Q1 2024, marka la barbar dhigo shan isla muddadaas 2023. Si kastaba ha ahaatee, weli waxa lagu baaqay in taxaddar laga muujiyo khatarta sii socota ee budhcad-badeedda iyo tuuganimada hubaysan, sida uu daliil u yahay. afduubkii sagaal ka mid ahaa shaqaalihii markabka laga afduubtay bishii Janaayo 2024-kii.

Waxaa sare u kacay dambiyada fursad-hooseeya ee ka dhaca biyaha Bangaladesh iyo marin-biyoodka Singapore sanadka 2024, taasoo khatar ku ah badbaadada shaqaalaha markabka iyadoo la soo sheegayo dhacdooyin afduub.

Like it? Share it!

Leave A Response