Xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaartay heerkii ugu sareysay,

by admin | Thursday, Apr 11, 2024 | 35 views

Diblomaasiyadii Itoobiya ee ku sugnaa ismaamulada kale ee dalka sida Hargeysa iyo Garoowe ayaa sidoo kale dib loogu celiyay Adis-Adeba.
Soomaaliya ayaa dalkeeda ka eriday safiirkii Itoobiya Mukhtaar Maxamed, kaddib markii ay xiisad ka dhalatay heshiiskii dekedda ee ay la gashay maamulka Somaliland.

Colaadda keentay kala goynta dublamaasiyadeed waxay ahayd heshiiskii 20 mayl ee dhul xeebeedka Itoobiya ay ka kiraysay Somaliland, gobolkaas oo lahaa madax-banaani taabogal ah tan iyo 1991kii.

Meesha ay qabsato Adis Adeba waxay noqon doontaa Gacanka Cadmeed. Itoobiya waxay deegaanka xeebta u isticmaali doontaa arrimo ciidan iyo ganacsi muddo 50 sano ah, sida uu dhigayo heshiiska la saxiixay. Taa beddelkeeda, Itoobiya waxay ku fikiri lahayd inay Somaliland u aqoonsato dal ka madax bannaan Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku andacoonaysa inay Somaliland tahay dhul ay leedahay, waxaanay Itoobiya ku eedaysay inay dhul-daaqasho iyo isku day ay ku doonayso inay dhulka Soomaalida ku darto Adis-deba.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in “Soomaaliya ay ku taagan tahay madax-bannaanideeda” waxa kale oo uu tilmaamay, in dalkiisu “difaacayo” haddii Itoobiya ay ku sii socoto heshiiska.

Like it? Share it!

Leave A Response