R/W Rooble oo amar deg deg ah ka bixiyey Galmudug

by admin | Wednesday, Dec 16, 2020 | 381 views

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg-deg ah gacanta loogu soo dhigo dableydii ka dambeysay dilka saraakiishii ka tirsanaa ciidamada xooga dalka, xili uu kulan la qaadanayey Madaxda maamulka Galmudug iyo hey’adaha amniga maamulkaas.

Rooble ayaa sheegay in Saraakiishii 9-kii bishan lagu dilay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ahaayeen geesiyaal u adeegayay bulshadood, isla markaana ay dileen dad arxan laawayaal ah oo diidan horumarka socda.

Waxa uu balan qaaday in dowladda federaalka ay gacan weyn ka geysan doonto baarista kiiskaasi oo maalmihii u dambeeyay ay wadeen guddi uu u magacaabay madaxweyne Qoor-Qoor iyo laamaha amniga Galmudug, si sharciga loo horkeeno dadka ka dambeeyay falkaas.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda maamulkaas, isaga oo la kulmay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso dowladda federaalka, horumarka iyo arrimo kale.

Rooble ayaa lagu wadaa in marka uu soo afmeero kulamada kala duwan ee uu la qaadanayo madaxda maamulka Galmudug uu bilaabi doono kormeero uu ku tagayo deegaano ka tirsan Galmudug, si uu ugu kuur galo xaalada deeganada maamulkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response