Wasiir Xundubey “Dad wax ma garato ah oo qoryo wata ayaa la soo abaabulay”

by admin | Wednesday, Dec 16, 2020 | 361 views

Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaan bixii ka dhacay Muqdisho ay soo abaabuleen dad waxmagarto ah, isagoo xusay in aanay jirin cid ku soo wargelisay bannaan baxa laamaha amniga.

Xasan Xundubey ayaa sheegay in dadkii bannaan baxa sameynayay ee wajiga u xirnaa, kuna hubeysnaa qoriga aysan waxba ka duwaneyn Al-Shabaab.

Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dad laga rabay in amniga dalka mas’uuliyad iska saaraan inay ka dambeeyeen bannaan baxaas.

Wasiirka ayaa ka digay inay soo laabtaan falalka noocaas ah, isla markaana sharciga la soo taagi doono kuwii ka dambeeyay.

“Wixii maanta dhacay waxay ahaayeen falal amniga looga horjeedo oo wax-ma-garad la soo abaabulay oo iyagoo weliba qoryo wata jidadka lasoo tubay.. taa macnaheedu waxa waaye in Ammaanka lagu soo duulay iyo in colaad la buray, in shaqadii Amniga la dhantaalay, wax alla wixii ka dhacay oo dhaawac iyo dhimasho leh waxaa mas’uuliyadeeda iska leh oo arrintaas dusha saaranaya dadka soo abaabulay oo laftoody ah kuwo garaadkoodu liito” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response