Khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay

by admin | Monday, Dec 14, 2020 | 426 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro kala duwan oo Maanta agagaarka Masaajidka Turkiga ay dhiseen oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Xaafada Jamhuuriya iyo Isgoyska fagax Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, kuwaas oo ku wajahnaa Xerada Maslax ee degmada Hurwaa oo farriin swye ay ku leeyihiin.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay rideen rasaas faarbadan oo u badneyd qorayga dhashiikaha ah ee gaariga ugu xiran.

Mas’uuliyiin ka tirsan gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance ayaa waxaa ay sheegeen in inta ay xaqiijiyeen 5 ruux ay ku geeriyootay 9 kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM qarax kadib, dadkaas oo u badan kuwo degan meel u dhow halka qaraxa uu ka dhacay.

In ka badan labada Saacadood ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka, kadib markii ay Ciidamada AMISOM joojiyeen, hayeeshee markii dambe ay dib u fureen, iyaga oo socdaalkodii iska sii watay.

18kii Bishii  la soo dhaafay ee November ee sanadkan 2020 ayay aheyd markii qarax miino isa Goobta Maanta lagula eegtay kolonyada AMISOM, waxaana rasaas ay fureen ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay socdaalayeen wadada jaayga ah ee agmarta Masjidka ay turkiga dhiseen ee ku dhow Xaafada jamhuuriya, kadib markii ay Biyo jareen  wadada ka baxda Isgoyska fagax ee aada Xaafada Suuqa Xoolaha, hayeeshee qaraxyo ay la kulmayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response