Sababta uu Ra’iisul Wasaare Rooble uga baaqday Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay{Akhriso:-}

by admin | Monday, Dec 14, 2020 | 396 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa ka baaqsaday Xaflad sagootin aheyd oo xalay loogu qabtay Madaxtooyada Puntland, iyada oo taas bedelkeeda uu booqasho ku tegay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumaha ganacsiga Magaalada Garoowe.

Ilo-wareedyo ayaa  sheegay in arrintaan ay la xiriirto kaddib markii laysku mari waayey wada-hadallo ku saabsanaa Arrimaah doorashooyinka oo saddexdii Cisho ee la soo dhaafay Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynaha Puntland u socday.

Kulamadii u dambeeyay ee dhex-maray labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday Puntland inay soo Magacaabaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad-goboleed, balse Madaxweyne Deni ayaa ku adkaystay in marka hore laga hadlo arrinta gobolka Gedo iyo Doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS.

Kulanka Casha Sharafta sagootinta aheyd ee uu ka baaqsaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno Wasiiro ah oo kamid ahaa Wafdigiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Ururuada Bulshada rayidka iyo ismimada Puntland, isaga oo kala hadlayay xal u raadinta isfaham-waaga ka dhex-jira Dowladda Soomaaliya & Madaxda Puntland, balse uusan ku guuleysan, waxaana la filayaa hadii aan isbedel dhicin in Ra’iisul Wasaaraha uu aado dhinaca degaannada Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response