Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaannada Galmudug?{sawiro}

by admin | Monday, Dec 14, 2020 | 363 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug inta ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, iyada oo ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka iyo culeesyada Galmudug kala kulmi karto Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Xildhibaannada Galmudug sida ay u gudanayaan waajibaadkooda Shaqo, waxana uu ugu baaqay inay dardar geliyaan maadaama la galayo waqti doorasho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug ay Shaqooyin farabadan qabteen, sidoo kalena ay dadaal farabadan ku bixiyeen sidii Galmudug horay ugu socon laheyd.

Galmudug ayaa door ka qaadaneysay dhex-dhexaadinta Madaxda Dowladda iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, iyada oo Madaxweynaha Galmudug uu dhowr jeer la kulmay Madaxweyne Farmaajo & Xubnaha mucaaradka oo isku khilaafsan Guddiyada doorashooyinka oo ay dowladda Magacaawday.

Kulankaan xalay dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddonka Baarlamanaka Galmudug & Xildhibaannada ku sugan Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal haayay in qaar kamid ah Maamul Goboleedyada ay ka bilaabanayaan doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Sare.

Like it? Share it!

Leave A Response