Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray degmada Cabduwaaq

by admin | Wednesday, Dec 16, 2020 | 363 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay  kamid yihiin Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa iyo Wasiiro kamid ah wafdigiisa ayaa ka tegay Magaalada Dhuusamareeb oo labadii Cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa,iyaga oo soo maray degaanka Huurshe, waxaana Garoonka diyaaradaha degmada Cabudwaaq kusoo dhaweeyay maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo la qaadan doono Maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo ka wada hadli doono colaad beeleedyo maalmahaan ka jira degmada iyo mashaariic dhawaan laag fulinayo.

Amniga degmada Cabudwaaq ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyada oo maanta degamdasi aad looga dareemay Ra’iisul Wasaare Rooble oo markii ugu horreeysay halkaasi tegay tan iyo markii xilka loo Magacaabay.

Like it? Share it!

Leave A Response