Maxaa kajira in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo horleh geysay xadka Kenya?

by admin | Wednesday, Dec 16, 2020 | 369 views

Tan iyo maalintii Talaadada ee shalay waxay warbaahinta Kenya qaarkeed shaacinayeen in ciidamada Milatariga Soomaaliya lasoo dhoobay xadka u dhow magaalada Mandheera, xilli xiisad diblomaasiyadeed oo heerkii ugu sarreeyay gaadhay ay u dhaxeyso labada waddan.

BBC-da ayaa u kuur gashay xaqiiqada ku saabsan wararkaas oo aysan ilaa hadda ka hadlin saraakiisha taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, Cabdirashiid Cabdi Xasan “Caroog”, ayaa wareysi uu siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ku sheegay in xaaladda ay xasiloon tahay.

Beledxaawo – oo dadka qaarkiis ay u yaqaannaan Buuloxaawo – waa magaalada Soomaaliya dhinaca ku heysa Mandheera oo ka tirsan Kenya.

“Gobolku wuu daggan yahay, wuu xasilloon yahay, wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira ma laha, dadku way nabad qabaan, wax aan kuleyl iyo abaaro ahayn oo hadda laga cabanayana ma jiraan. Magaalada Beledxaawo amni ahaan way daggan tahay, ganacsigu wuu kala socdaa, wax xiisad ah oo la dareemayana ma jirto gabi ahaanba,” ayuu yidhi guddoomiyaha.

Mar aan wax ka weydiinnay waxa ka jira wararka sheegaya in ciidamada milatariga Soomaaliya ay kusoo qulqulayaan Beledxaawo oo xad la wadaagta Kenya ayuu sheegay in ciidankaas ay sanahayn kuwo cusub.

“Ciidamada horay ayey u joogeen, waxayna wateen waajibaad qaran oo laga sugayo, laakiin wax hadda cusub iyo dhaqdhaqaaq milatari ma jiro. Ciidamada hadda halkan jooga aad bay ugu filan yihiin khatar kasta oo dibadda uga timaada.”

Like it? Share it!

Leave A Response