AMISOM oo ka shirtay sugida Amniga doorashooyinka Soomaaliya

by admin | Thursday, Dec 17, 2020 | 361 views

Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Lt. Gen. Diomede Ndegeya ayaa kulankii billaha ahaa la yeeshay taliye yaasha qeybaha ee ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray oo looga hadlay qorshaha iyo talaabooyinka ka hirgalay howlgalka sare u qaadidda amaanka iyo la socodkiisa

Diyaar garoowga AMISOM taageerida amaanka doorashooyinka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa kulanka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay Qorshaha mustaqbalka dhow ee ku wareejinta amaanka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saraakiishu ka wada hadleen.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu muran la xiriira doorashada jiro, isla markaana dad badan ay ka cabsi qabaan in uu muranka isku bedelo gacan ka hadal.

Like it? Share it!

Leave A Response