Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay gobolka Bari

by admin | Thursday, Dec 17, 2020 | 330 views

Shilkan oo ah mid gaari, isla markaana  geysay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay degaanka Carmo ee gobolka Bari dowlad goboleedka Puntland.

Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca yar yar ah, waxana shilka ku geeriyooday hal qof halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa dadkii labada gaari kala saarnaa.

Dadka shilka ku dhaawacmay ayaa waxaa kujira hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhashay,waxaana dhaawacooda la geeyay Isbitaalka degmada Carmo si logu daaweeyo, sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah.

Maamulka degmada carmo & qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilkaasi gaari, waxaana dhaqaatiirta isbitaalka degmada Carmo ay sheegeen in qaar kamid ah dhaawacyada ay culus yihiin, isla markaana loo gudbin doono Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Like it? Share it!

Leave A Response