RW ku xigeenka dalka oo sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jiheynta dowladnimada casriga

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 129 views

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo ka socda magaalada Muqdisho.

Saalax ayaa ku dheeraaday sida lagama maarmaanka u tahay in aynu si xawli ah uga shaqayno sidii dalkeena aynu ugu jeexi lahayn jiho cusub oo la jaanqaadaysa nidaamka Tikloonajyada casriga ee dunidu u guurtay, taasina ay ku imanayso dadaal iyo wakhti dheeraad ah.

Shirka ayaa maanta xoogga lagu saarayaa barnaamijka dayn cafinta kadib halka loo jihaysan doono, u hogaansanaanta sharciga hantidhowrka, qorshaha horumarinta Qaranka iyo hannaanka dhaqaale iyo qorshaha fog ee 2060 Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maalinimadii shalay furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee  Soomaaliya.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Like it? Share it!

Leave A Response