Israaiil oo Haween & Carruur Falastiiniyiin ah Qafaalatay.

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 109 views

Ciidanka Israaiil ayaa Qafaashay Haween, Carruur iyo dhalinyaro badan oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku sugnaa qaybo kamid ah Magaalada Gaza kaddib markii xannuun xooggan uu kasoo gaaray weerarkii Xamaas ku qaaday 7dii Oktoobar 2023.

Saraakiil katirsan Dowladda Falastiin ayaa arrintaan ku xaqiijiyay xogo ay ka heleen ehelka qoysas kamid ah Dadka ay qafaasheen ciidanka Israaiil oo ogaaday in la geeyay goobo gaar ah oo ay ku sugan yihiin Militariga Yuhuudda.

Waxaa jira Dad badan oo ku dhow 1,000 ruux oo Falastiiniyiin ah oo weli laga hoos raadinayo dhismaha ku burburay Duqeynta aan loo meel dayin ee Israaiil ku beegsatay Magaalada Gaza kuwaas oo maalmo halkaas ku maqan.

Dagaalka 10ka maalmood galay ee Falastiin iyo Israaiil ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 2,750 ruux oo Shacab Falastiiniyiin ah oo ay kamid yihiin Carruur kuwaas oo bareer ah gantaallo iyo hubka kiimikada ka sameysan guryahooda lagu beegsaday.

Ku dhowaad 10,000 oo ruux ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray duqeyntaas waxaana kamid ah Carruur laga soo hoos bixiyay dhismaha gantaallada Yuhuuddu dumiyeen oo xitaa waxa ay korka ka saarnaayeen waalidkooda oo dhintay.

Xamaas ayaa gacanta ku dhigtay Maxaabiis u badan Ciidamada Israaiil kuwaas oo ay kusoo qabatay howlgallo xooggan oo ka dhacay deegaannada ay joogaan Israaiil halka ay gubtay gaadiidka ciidanku adeegsadaan sida taangiyada iyo kuwo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response