Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo sheegay in uu diyaariyay ciidanka deegaanka ah oo la dagaalamo ‘AS’.

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 122 views

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu diyaariyay Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda si ay qayb weyn uga qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhowaan la filayo in xooggiisa uu ka billowdo Gobolkaas.

Maxamed Ibraahim Barre, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada Federaalka ay fursad u tahay in ay la shaqeeyaan Dadka Deegaanka oo hubeysan kuwaas oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ‘AS’ ay sameynayaan.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayuu tilmaamay in ‘AS’ khasaara xooggan lagu gaarsiiyay isaga oo arrintaas ku sifeeyay wadashaqeynta Ciidamada & Shacabka.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in qaybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ay isaga kala gudbaan ‘AS’ marka uu culeys xooggan kasoo koro deegaannada kale ay joogaan balse ciidanka Dowladda ay dhowr jeer duqeyn iyo weerarro ku qaadeen.

Qorshaha duullaanka deegaannada ay weli ‘AS’ Ka joogaan Gobolka Shabeelaha Hoose ayuu Maxamed Ibraahim Barre sheegay in uu yahay mid diyaarsan oo dhowaan lagu dhaqaaqi doonno si looga qabsado waa sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response