Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo kulan saaxiibtinimo la cayaaraya dalka Serra Leon

by admin | Tuesday, Oct 17, 2023 | 123 views

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa caawa 6:30pm fiidnimo wuxuu cayaarayaa kulankiisii labaad oo ah kulan saaxiibtinimo ah, oo ay dalka Morocco kula cayaarayaan dalka Sierra Leon.

Xulka Soomaaliya ayaa kulankii hore guul darro 0-3 kalasoo kulmay dhigooda Niger. Kulankaas oo ka dhacay garoon kuyaalla magaalada Muhammadiyah.

Waa kulankii ugu dambeeyay oo heer saaxiibtinimo ah oo ay Soomaaliya cayaarayso sanadkan 2023, sida uu horey u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, Cali Shiine.

Dalka Serra Leon ayaa ah waddan aan taariikh ku lahayn kubbada cagta aduunka. Marnaba kama uusan soo qeyb galin koobka adduunka. Inkastoo labo jeer oo kala ah, sanadihii 1994 iyo 1996 uu ka qeyb galay koobkii qaramada qaaradda Afrika.

Dalkan wuxuu liiska 124-aad kaga jira qiimaynta FIFA ee kala saraynta dalalka adduunka ee kubbada cagta. Halka Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 194aad.

Dalka Serra Leon kulankoodii hore wuxuu 1-1 lasoo galay dalka Penin, halka Soomaaliya guul darro 0-3 ay kalasoo kulantay dalka Niger.

Like it? Share it!

Leave A Response