Saraakiil katirsan Wasaaradda Maaliyadda oo loo heesto Musuq maasuq oo maxkamadda …

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 81 views

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la horkeenay Saddex mas’uul oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo loo heysto inay sameeyeen musuq maasuq iyo xatooyo Xoolo Dadweyne.

Saddex Xubnood oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa kasoo muuqday Maxkamadda, kuwaas oo kala ah Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo ka tirsan Bankiga Dhaxe kana Shaqeeya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Abuukar Maxamed Cali maamulahii xafiiska Canshuuraha Bariga wasaaradda maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde & Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan oo soo bandhigay Eedaha loo heysto mas’uuliyiintaan ayaa mid mid u weydiiyay, iyaga oo kaga jawaabayay, wuxuuna soo bandhigay magacyada Mas’uuliyiinta iyo Goobaha ay ku xiran yihiin.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeenay Afar Xubnood oo katirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kuwaas oo loo heysto inay ku kaceen falal la xiriira musuq maasuq

Like it? Share it!

Leave A Response