by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 166 views

Mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada hubeysan ee Jamhuuriyadda Suudaan ku dagaalamaya ugu baaqay in ay wadahadal galaan si ay usoo afjaraan dagaalkooda galay 100 cisho kaas oo billowday 15kii April 2023.

Dagaalka Suudaan waxaa ku dhintay in ka badan boqol qof oo rayid ah halka aan tira-koob rasmi ah laga heyn dhinacyada dagaalamaya maadaama goobo ay adag tahay in xog laga helo ay isku horfadhiyaan, duqeynta ay isu geysanayaan ay tahay midda khasaaraha ugu badan u geysata.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay waxaana barakacay kumanaan ruux oo qaarkood ku sugan deegaanno katirsan Dalka Suudaan halka qaar kale ay ka gudbeen xuduudaha iyaga oo naftooda u doorbiday meelaha ay u arkaan in ay ku nabadgaleyso.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xalka keliya ee lagu soo afjari karo colaadda Jamhuuriyadda Suudaan ay tahay in xoogga la saaro sidii wadahadal loo geli lahaa loogana mira-dhalin lahaa qorshaha looga hortagayo dagaal kasii socda Dalkaas.

Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in uu xal degdeg ah u raadiyo xaaladda cakiran ee Jamhuuriyadda Suudaan si ay dib ugu soo laabtaan qoysaska ka barakacay Dalkaas ee naftooda kala cabsanaya in dhimasho ama dhaawac ku noqdaan dagaallada socda.

Like it? Share it!

Leave A Response