MW JFS oo Talyaaniga uga qaybgalaya shir u dhaxeeya Afrika & Dalkaas.

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 95 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Rome ee Caasimadda Talyaaniga ayaa qaybgalaya shir u dhaxeeya Afrika iyo dalkaas si ay uga wadahadlaan qodobo dhowr ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo kale oo ay kuwada xaajoonayaan madaxda ka qaybgaleysa shirkaas iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya mas’uuliyiinta ka qaybgaleysa shirka waxaana ay kawada hadlayaan xiriirka, xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya iyo qodobo kale oo muhiim u ah.

Talyaaniga ayaa muddooyinkii dambe waxa uu diiradda saarayay Qaaradda Afrika si uu dib ugu soo celiyo cilaaqaadka uu la wadaago maadaama wadahadallo hordhaca ah uu horay ula qaatay qaar kamid ah waddamada dhaca qaaraddaan.

Like it? Share it!

Leave A Response