Diyaarad ay la socotay Sacdiya Yaasiin oo laga celiyay Garoowe

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 93 views

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay horkaceysay oo kusii jeeday magaalada Garoowe ayaa maanta laga celiyay magaaladaas oo xarun u ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii ay raaci laheyd Marwo Sacdiya kahor inta aysan ka dhoofin garoonka magaalada Muqdisho loo diiday inay u duusho magaalada Garoowe.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sida ay ogaatay  warbaahinta madaxtooyada ayaa soo saartay amarka lagu celiyay diyaaraddan oo lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin Sacdiya iyo wafdigeeda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ujeedkooda uu ahaa inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab oo ah suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri lagu caleema saaro Garoowe.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan arrintan, sidoo kale Sacdiya dhankeeda kama hadlin is hortaagga lagu sameeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response