Faahfaahino kasoo baxaya dil Muqdisho loogu geystay Wasiir hore oo ka tirsana Hirshabeelle

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 150 views

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii dambe ee Shalay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dilay Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey.

Dilka Marxuum Muudeey ayaa la sheegay inuu dhacay xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo Tukaday Salaadii Casir, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii geysatay dilka Marxuum Xasan Axmed Muudeey.

Marxuumka ayaa xilka Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle soo qabtay xiligii uu maamulkaas madaxweynaha ka ahaa Dr. Maxamed Cabdi Waare, waxaana masuuliyada dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa cambaareeyay dilka loo geystay wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle, isagoona tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Muudeey.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bulshada Hirshabeelle ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Axmed Muudeey. Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi karti badan oo muddo u soo adeegayay Hirshabeelle waxa uuna door ku lahaa Aas-aaska dowlad dhiskii Hirshabeelle” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe.

Gabagabadii dilka Wasiirkan horey uga tirsanaa maamulka Hirshabelle loogu geystay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmo kooban ka hor lagu dilay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose

Like it? Share it!

Leave A Response