Masuuliyiin Puntland ah oo beeniyay in ay dhiilo colaadeed ka jirto magaalada Garowe

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 79 views

Hay’adda amniga maamulka Puntland iyo maamulka nugaal ayaa beeniyay in ay jirto dhiilo colaadeed oo dib usoo cusboonaatay oo ka jirta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Masuuliyiintan oo xalay saqdhexe oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada Garowe ay tahay mid degen, islamarkaasna aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ciidan ah oo ka socda dhinacyada iskasoo horjeeda ee Dowladda iyo mucaaradka.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in dhanka maamulka uusan jirin wax abaabul dagaal ah oo ka jira. Sidaas oo kale wuxuu sheegay in dhanka mucaaradkana uusan ka jirin dhaqdhaqaaq.

Hadalkooda ayaa yimid markii madaxweyne Deni lagu eedeeyay inuu magaalada Garowe soo galiyay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo uu ugu talo galay inuu ka horgeeyo kuwa mucaaradka. Ciidamadaas ayaa hadda ku sugan xerada 54-aad.

Warar kale oo soo baxaya waxay sheegayaa in madaxweynuhu baarlamaanka ka codsaday inay wax ka beddelka dastuurka u codeeyaan, isagoo arrintaas kala hadlay guddoonka baarlaamanka.

Like it? Share it!

Leave A Response