Kumaanooska Danab oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Galcad

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 75 views

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay isku aruursanayeen ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay dhulka howd ka ee ku yaala deegaanka Cali seer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, hayeeshee maysan faahfaahin tirada rasmiga ah ee howlgalka ay ku dileen.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen Saraakiisha in howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigyo kooxda ay ku laheyd dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanka Cali seer.

Howgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Al-Shabaab tiro dhowr jeer ah weeraro xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ahba ay ka geulysteen deegaano degmada Galcad iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response