Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Jul 24, 2023 | 71 views

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo goordhaw ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray jaakada waxyaabaha qarxa, kaasoo isku dhax qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada Kuliyada Jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan magaalada Muqdisho.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaan uu fuliyay ruuxa naftii haligaha ah, waxaana goobta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada askarta uu dhexgalay Ismiidaamiyaha, kuwaas oo loo qaaday xarumaha Caafimaadka Muqdisho.

Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda, islamarkaana  halkaasi ka wado baaritaano.

Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah, hayeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Like it? Share it!

Leave A Response