Guddoomiye Faratoon oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay madaxtooyada Somaliland

by admin | Sunday, Jul 23, 2023 | 88 views

Guddoomiyaha cusub ee uu saaka doortay Golaha Wakiilada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa xaflad soo dhawayn ah loogu sameeya madaxtooyada Somaliland.

Xaflada ayaa waxa kasoo qayb galay wasiiro, guddoomiyaha golaha guurtida, xildhibaano, dadkale oo caan ah, madaxda xisbiga Kulmiye, saraakiil ka socota ururada cusub iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha la doortay oo hadal ka jeediyay xaflada ay xukuumadu u samaysay ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono xaalado badan oo adag oo Somaliland ka jira wakhtigan.

“Xildhibaannada wakhtigeeda ayaynu ka wada hadli doonaa, howlo adag ayaa dalka yaala oo u baahan in aynu wax ka qabano, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin intii i dooratay iyo intii aan idooranba howlgalku waa mid ku ligeen ina saameeya” ayuu yidhi Prof. Faratoon.

Madaxweyne Biixi ayaa isaguna soo dhaweeyay guddoomiyaha xusub isaga oona u mahadnaqay xildhibaanada doortay, wuxuuna doorashada Faratoon ku micneeyay mid wax ka taraysa xaalada hada ka taagan magaalada Laascaanood.

“Cod nabadeed ayaad dirteen maanta, cod wax wada lahaanshiyo ayaad dirteen, cod ergo ayaad reer Sool u dirteen, cod khilaafka xalintiisa ah ayaad dirteen, codkii maanta sidaas ayaynu micnaynaynaa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Sidookale, dhamaan saraakiishii kala duwanayd ee goobta ka hadashay ayaa soo dhaweeyay doorshada Faratoon, iyaga oona u rajeeyay nasiib wanaagsan iyo in uu Alle xilka ku asturo.

Prof. Faratoon ayaa badalaya guddoomiyihii is casilay ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaasi oo xilka uga tagay dagaalka Laascaanood ka socda awgii, isla markaana taageeray dagaalka lagaga soo horjeedo Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response