Shirkii golaha Wasiirada ee aan caadiga aheyn oo baaqday

by admin | Saturday, Dec 5, 2020 | 342 views

Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ayaa maanta baaqday sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xubnaha golaha Wasiirada ayaa goor dhow lagu wargaliyay in uu baaqday shirkii aan caadiga aheyn, islamarkaana dib laga soo sheegi doono xilliga la qaban doono.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wasiirada lagu waday in laga soo saaro go’aano culus oo ka dhan ah Jubbaland oo lagu saleyn doono xaalada doorashada oo weli lagu muransan yahay Guddiyadii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in kulanka sababta uu dib ugu dhacay maanta ay aheyd sidii loo qaadan lahaa go’aamo mideysan oo ku aadan xaaladdaha maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response