Waa maxay Sababta Sacuudiga uu Teleefoonada ugu diiday Maxaabiista?

by admin | Saturday, Dec 5, 2020 | 347 views

Muddo fog Xabsiyada Boqortooyada Sacuudiga waxaa caadi ka ahaa isticmaalka Teleefoonada Maxaabiista sugeysa in dib loogu celiyo (Tarxiilo) dalalkooda. Waxa ay xiriir fudud la sameynayeen ehelkooda & asaxaabta, iyaga oo la socda Baraha Bulshada.

Boqortooyada ayaa ilaalada Xabsiyada gaarsiisay in ay Teleefoonada ka qaadaan dadka lagu soo qabto dambiyada kala duwan & kuwa sharci darrada ku jooga Sacuudiga kahor inta aan waddankooda la geyn.

Marka la gaaro waqtiga la saarayo Diyaaradda xitaa dib looguma celiyo Teleefoonadooda oo waxaa ka reebta Askarta ilaalada ka ah Xabsiyada ay ku xiran yihiin sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah Soomaalida ku sugan Boqortooyada Sacuudiga.

Waa maxay Sababta Sacuudiga uu Teleefoonada ugu diiday Maxaabiista?

June, July, August ilaa October Warbaahinta reer Galbeedka ayaa joogta u daabacay Wareysi & Macluumaad ay ka heleen qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Sacuudiga oo cabasho ka ah Xaalado aan wanaagsaneen oo lasoo dersay.

Sababtu waxa ay ku sheegeen in Ilaalada Xabsiyada qaybta Gudaha & Dhaqaatiirtaba ay cabsi ka muujiyeen faafitaanka Covid-19, sidaas awgeed ay waayeen daryeel Caafimaad & mid nadaafadeed.

Taasi waxa ay caro gelisay Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ay ku dhaliileen Xukuumadda Riyadh sida ay uga jawaabeyso Cabashada Dadka sugaya in dib loogu celiyo dalalkooda.

“Maxaabiista xiran si joogta ah ayaan xiriir u sameyn jirnay, waxa aan ka warqabnay Xaaladdooda, balse waxaa haatan bilawday in Teleefoonada laga qaado, halkaas waxaa ku go’ay ka warqabka & xiriirka, intaas oo keliya ma ahan balse waxa ay la hadli jireen ehelkooda jooga Soomaaliya si ay usoo doonaan marka lasoo saaro Diyaaradda Tarxiilka”  Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay Aamina oo ah Haweeney ku sugan Sacuudiga.

Qof magaciisa qariyay oo kamid ah Maxaabiista ku xiran Sacuudiga ayaa Wakaaladda AP 2-dii October 2020 u sheegay Xabsiyada ay ku xiran yihiin Boqolaal ruux, iskaba daayee cabsida faafitaanka Covid-19 in aysan helin daryeel Caafimaad, dadka uu xannuunsan in ay qolalkooda dhex jiifaa, dhaqaatiirta howshaas u qaabilsan laga saaray Xeendaabka Xabsiyada.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty Internation oo ka jawaabeysay cabashadaas ayaa Xukuumadda Riyadh ku dhaliishay in ay dayacday mas’uuliyadda Maxaabiista oo ay qayb ka yihiin Haween Uur leh, Carruur & dhalinyaro xannuunsan qaarkood.

“Biyaha waxa aan ka cabnaa Musqulaha (Suuliga)” Maxaabiis ku xiran Sacuudiga.

Xabsiyada Sacuudiga oo lagu dhibaateeyo Tarxiil sugayaal kasoo kala jeeda Dalal kala duwan!

Like it? Share it!

Leave A Response