Shuute oo shaaciyey arrin uusan aqbali karin oo ka jirta degmooyinka Muqdisho

by admin | Monday, Dec 9, 2019 | 634 views

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in qof ka tirsanaa jiray Al-Shabaab si fudud loogu dhex daayo bulshada, isagoo wasaaradda amniga ka dalbaday inay qorshe cad u dejiso saraakiisha iyo xubnaha kale ee ka soo baxaya Al-Shabaab.

Shuute ayaa hadalkaan ka sheegay barnaamij maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho oo loogu magac daray ‘dhaqan celinta shakhsiyaadka ka tanaasulay howlaha argagixisada’ waxaana soo agaasimay wasaaradda amniga gudaha, kaas oo la sheegay in hey’adaha dowladda iyo taageerayaasha Soomaaliya lagu barayo sida uu u shaqeeyo barnaamijka (DRB).

Guddoomiye Shuute ayaa saraakiisha booliiska uga wakiilka ah degmooyinka gobolka Banaadir waxa uu faray inay soo qabtaan dagaalamaasha Al-Shabaab iska soo dhiibay ee aan marin nidaamka wasaaradda amniga.

“Waxaan rabnaa saraakiisha ka shaqeysa saldhigyada gobolka inay dad degmadey ka shaqeynayaan jooga ku war galiyaan in dadka ku shaqeeya afkaarta argagixisada ama ka haray aysan gurigooda joogi karin, qofku marka uu ka haro fikirkaas waa inuu iska dhiibaa saldhiga u dhaw markaas waxaa loo soo gudbinayaa wasaaradda amniga waana inuu barnaamijkan loogu tala galay ee (DRB) uu maraa, hadii uusan saas yeelin aakhir waa la soo qabanayaa Maxkamadda waxaa naguula keenaa kuwo dhahaya sanado ka hor ayaan ka harnay waxaasna anaga nidaam ayaa nooga degan”ayuu yiri G/Sare Shuute.

Guddoomiyaha uu sii watay hadalkiisa ayaa sheegay in wasaaradda amniga looga baahan yahay inay la timaado siyaasadda lagu dhaqayo hor joogayaasha ka soo baxaya ururada argagixisada ah ee ka jira dalka.

“Waxaad ogtihiin horjoogayaal waaweyn oo afkaartaan dalka soo geliyey ama markii horaba dalkan ka abuuray markii ay ka soo tageen ee dheheen waa ka harnay, waa in la ogaadaa sababta uu uga haray waxii uu rabay ayuu ka waayey ama waxaaba laga yaabaa inuu si rasmi ah uga soo tegay, badan koodna waxay ku andacoodaan inaan ka soo tagno waxaa nagu kalifay inay ka leexdeen wadadii, wado la isku ogaana maba jirin markii hore, marka taas kaliya dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen xilligii ay ku jireen argagixisada kuma qanci karaan,

“Sababtuna waxay tahay qof dhib geystay oo shalay cadaw ahaa waan ka haray oo kaliya laguma qanci karo sidaas si ka faahfaahsan waa in la helaa, wasaaradda amniguna waa inay mashruuc ka sameysaa, qofka afkaartaas ka harayana waa inuu cafis guud bulshada weydiistaa si kale laguma dhaafi karo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Like it? Share it!

Leave A Response