Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

by admin | Monday, Dec 9, 2019 | 579 views

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in duqayn ay ka dhacday meel u dhow magaalada Saakow ee gobolkaasi.

Duqayntan ayaa dhacday maanta, waxaana wararka laga helay ilo ku dhow dowladda Soomaaliya ay sheegayaan in lala bartilmaameedsaday xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeyntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab ee lala beegsaday.

Maraykanka ayaa inta badan qaada duqaymaha ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyagoo iskaashi kala sameeya dowladda Soomaaliya.

Sannadkan keliya ayaa Maraykanku sheegeen inay Soomaaliya ka geysteen 59 duqeymood.

Like it? Share it!

Leave A Response