Somaliland: Hantida ku burburtay suuqa Wajaale ee dhawaan gubtay oo lagu dhawaaqay

by admin | Monday, Oct 2, 2023 | 153 views

Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in hanti u dhiganta $5,300,000 ay ku gubatay suuqa degmada Wajaale ee dhawaan qaybo kamid ahi gubteen.

Xubno kamid ah golaha wasiirada iyo madaxda gobolka Gabilay oo maanta gaadhay suuqa gubtay ee Wajaale, ayaa ku dhawaaqay khasaaraha, iyadoo halkaa sidookale lagaga dhawaaqay lacago dib loogu maalgalinayo dadkii ku hanti waayay dabka.

Ururka Dowladaha Hoose ee Somaliland ayaa lacag dhan $600,000 ku wareejiyay guddid ay xukuumada Somaliland u xilsaartay kasoo kabashada khasaaraha uu dabku gaystay.

Dhinaca ganacsatada shirkada Dahabshiil ayaa ku dhawaaqday in ay gurmadka kaga qaybqaadanayso $300,000, halka shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ay iyadna balanqaaday in ay bixinayso $150,000, waxaana la rajaynaya in saacadaha soo socda ay shirkado iyo ganacsato kale ku dhawaaqaan gacanta ay ka gaysanayaan dib usoo celinta suuqa.

Suuqan ayaa ah ka labaad ee Somaliland ugu wayn marka laga yimaado suuqii Waaheen ee gubtay kaasi oo hada ku jira xaalad dib u dhis ah, isla markaana gubashada suuqyadan ayaa samayn ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response