Puntland oo ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheikh inuu ku lug leeyahay colaadda ka jirta gobolka Mudug

by admin | Tuesday, Oct 3, 2023 | 116 views

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu lug ku leeyahay dagaal beeleed ka dhacay Mudug oo u dhaxeeya beelo ood-wadaag ah oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Wasiirka qorshaynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa bartiisa Twitter-ku qoray in dagaalkii shalay dhexmaray maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, uu bilow u yahay dagaal saddexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaaladii Mudug ka dhacay sanadahii 2015kii- 2016-kii ay dhaceen xilligii hore ee uu madaxweyne Xasan Soomaaliya ka talinayay.

Dhinacyadii ku dagaalamay aagga Galdogob ayaa mid walba ku eedeeyay dagaalkii shalay dhacay inay ku lug lahaayeen dowladda federaalka, Galmudug, iyo Puntland.

Dhinaca kalena xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo kasoo kala jeeda labada dhinac ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda Mudug ka dhacday.

Dagaalkii shalay dhacay oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa laga yaabaa inuu saamayn taban ku yeesho nabad galyada magaalada Gaalkacyo.

Like it? Share it!

Leave A Response