Somaliland oo Maanta siideysay qaar kamid ah Wariyeyaashii xirnaa

by admin | Tuesday, Apr 19, 2022 | 344 views

Muddo lix Cisho ah ayay ku xirnaayeen Xarunta dambi baarista ee Magaalada Hargeysa ku dhawaad 15 Suxufi oo kamid ah Wariyeyaasha Madaxa bannaan ee ka howlgalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland.

Wariyeyaasha ayaa xilliga la xirayay ku howlanaa tebinta Shaqaaqo ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxaana Maanta Soomaaliland ay siideysay 12 kamid ah Wariyeyaasha.

Weriyayaasha la sii daayey ayaa waxa laga reebay oo aan la sii dayn Saddex Weriye oo kala ah Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Weriye ka tirsan Telefishanka Gobonimo TV, iyada oo Xukuumadda aysan faah faahin sababta  loo reebay.

Intii ay xirnaayeen Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Hargeysa ayaa waxaa  cambaareeyay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, Ururada Saxaafadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Somaliland.

Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha ayaa markii la xiray Wariyeyaasha Warbaahinta u sheegay in  Saxafi kasta ee lagu helay in uu dambi galay sharciga la marsiin doono, iyaga oo Wariyeyaasha ugu baaqay inay ka fogaadaan waxkasta oo dhib keeni kara.

Qaar kamid ah Wariyeyaasha oo hadlay ayaa soo dhaweeyay in xorriyadooda la siiyay, iyaga oo u mahad celiyay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaaliland oo qeyb weyn kulahaa siideyntooda.

Degaannada Somaliland ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa aad loogu dhibaateeynayay Wariyeyasha, waxaana Xukuumadda Somaliland ay xirtay Wariyeyaal gudanayay waajibaadkooda Shaqo oo uu kamid yahay Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo lu xiran Magaalada Hargeysa.

Like it? Share it!

Leave A Response