Maamulka degmada Kaxda oo sheegay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaan Badal

by admin | Tuesday, Apr 19, 2022 | 456 views

Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan ciddii dishay Abwaan badal oo xalay lagu dilay Gudaha degmadaas, isla markaana ay ku daba jiraan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay Aaska Meydka Abwaan Badal Jaamac wuxuu sheegay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaanka ayna ku daba jiraan sina uga hari doonin ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigaan.

Guddoomiyaha ma sheegin Magacyada cidda ay ku tuhmayaan dilka Abwaan badal jaamac Xeri & sababta loo dilay, hayeeshee uu sheegay in guryo badan aan lagu harsan doonin ilaa laga soo qabto dadka ka dambeeyay dilka.

Abwaan Badal Jaamac Xersi ayaa kamid ahaa odayaasha Dhaqanka Muqdisho , wuxuuna inta badan ka hadli jiray xaaladaha siyaasadeed ee dalka, sidoo kalena uu ka qeyb geli jiray doodaha Siyaasadeed ee markaas taagan.

Like it? Share it!

Leave A Response