Uganda oo 4-bilood kadib badashay Ciidamo ka jooga Soomaaliya.{SAWIRO}

by admin | Friday, Sep 11, 2020 | 371 views

Dowladda Uganda oo Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo saddex qaab oo ay taageerana ka heysata Qaramada Midoobay ugu howlgala ayaa dib u bilawday badalka dhowrkii biloodba lagu sameeyo Askarteeda si ay kuwo cusub u keento dalka.

Afar bilood kadib go’aankaas ayay ku dhaqaaqday Xukuumadda Kampala, kadib markii uu saameyn taban ku yeeshay cudurka Covid-19 oo xannibay isu socodka dadka iyo diyaaradaha caalamiga ah.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda Gen. David Muhoozi ayaa sheegay in Askarta Difaaca Dadka Uganda ee loosoo gaabiyo (UPDF) in Afar bilood kadib loo ogolaaday badalka lagu sameynayo si gudaha Soomaaliya looga qaaday Saraakiisha iyo Ciidamada waajibaadkooda gutay.

Ciidamadaas la badalay waxa uu ku sheegay Ciidamada u diiwaangashan Howlgalka Midowga Afrika ee xiran Koofida Cagaaran, si gaar ah kuwa Militariga oo maamula qaybta 1-aad ee Howlgalka AMISOM.

Muhoozi ayaa Khamiistii qaaday Calanka Kooxda 30-aad ee Dagaalka Uganda ee lagu magacaabo Singo, xaruntooda dhexe ay tahay Nakaseke, tiro ahaan waxa ay gaarayaan 1,800  oo ruux oo shaqaale ah, waxa ay isugu jiraan halyeeyo iyo xoogag joogto ah.

Militariga Ciidamada Difaaca dadka Uganda ee (UPDF) ayaa laga joojiyay dhaq-dhaqaaqyada howlgalkooda Soomaaliya iyo Equaltorial Guinea inta lagu guda jiro Xaaladda halista cudurka Covid-19 oo saameyn dhaqaale iyo mid caafimaad laga dhaxlay.

Ciidamada Uganda oo ah Askartii ugu horeysay ee Soomaaliya soo gashay iyaga oo heysta fasaxa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxa ay kor u dhaafayaan 6,000 oo Askari, halka Equatorial Guinea ay ka joogaan 100-sarkaal.

Uganda Askartooda waxa ay u kala diiwaangashan yihiin Militariga AMISOM oo ay u qaabilsan yihiin Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, halka Caasimadda iyo magaalo madaxda Dowlad Goboleedyada ka joogaan Saraakiil Booliis ah, sidoo kale cutubyo xiran Koofida Buluugga ah ee Qaramada Midoobay waxa ay ilaaliyaan Xerada Xalane oo uu ku yaallo Xafiiska UNSOM iyo safaaradaha ay ku howlgalaan Dowladaha Reer Galbeedka.

Like it? Share it!

Leave A Response