Madaxweynaha Galmudug oo safar deg deg ah ugu ambabaxay Nairobi

by admin | Friday, Sep 11, 2020 | 392 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa safar degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin waxaa uu ugu ambabaxay magaalada Nairob ee Xarunta dalka Kenya.

Diyaarad uu UN-ka leeyahay ayaa la sheegay in uu ka raacay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyada oo weli aan sirasmi ah loo ogaan waxyaabaha uu ku qotomo safarka Madaxweynaha Galmudug ee Magaalada Nairobi.

Safarkaan deg deg ah ee Madaxweynaha Galmudug uu ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ka furmo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu isla berri gelinka hore dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response