Wararkii ugu dambeeyay ee shirka IGAD iyo fursadda Soomaaliya.

by admin | Thursday, Jan 18, 2024 | 63 views

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah Kampala uu ka furmo shir ay leeyihiin waddamada Ururka IGAD, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Shirkan oo ah kii 42-aad oo aan caadiga ahayn ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda dalalka IGAD, waxaana shirkan looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd.

Dowladda Jabuuti oo iyadu hoggaanka shirka haysa ayaa soo qaban-qaabisay, si go’aan looga gaaro arrimaha soo kordhay iyo xaaladaha ka jira gobolka.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metalaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay dhiggiisa Uganda.

Sidoo kale waxaa madaxweynaha wehlinaya rag kale oo uu kamid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Axmed Jaamac, si ay u caddeeyaan go’aankooda ku aadan xadgudubka ay Itoobiya kula kacday madax bannaanida dhuleed ee Soomaaloya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa ka arrinasanaya farogelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa qoraal ay u dirtay Urur Goboleedka IGAD 13-kii bishan ku xaqiijisay in aysan ka qeybgaleyn shirkan, taas oo fursad siineysa Soomaaliya, si ay garteeda usoo saarto miiska, una caddeyso gar-darrada ay ku sameysay Itoobiya.

Si kastaba, Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa horay uga carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Like it? Share it!

Leave A Response