Raysal Wasaare Xamse: Damaca Ethiopia wuxuu khatar toos ah ku yahay amniga dalalka Carabta iyo badda cas

by admin | Thursday, Jan 18, 2024 | 72 views

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa u sheegay Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta, in heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, si Addis Ababa loogu ogolaado inay gasho Badda Cas, uu dhaawacayo ammaanka waddamada Carabta.

Raysal wasaare Xamze ayaa hadalkan ka sheegay shir deg deg ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta, kaasi oo ay Soomaaliya ku dalbatay in looga hadlo heshiiskaasi oo la saxiixay 1-dii bishan Janaayo.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladaha Carabta in ay isku soo dhawaadaan oo ay meel uga soo wada jeestaan dhagarta Itoobiya oo ay ku dhawaaqaan in ay garab taagan yihiin Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

“Waxaan rabnaa in aad la timaaddaan go’aamo adag oo ka dhan ah damaca Itoobiya ee gardarada ah iyo kuwa ka dambeeya. Waxay khatar toos ah ku tahay amniga dalalka Carabta iyo maraakiibta badda cas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry, oo dalkiisa uu ka dhexeeyo muran biyood muddo dheer soo jiitamayay, iyaga iyo Addis Ababa, ayaa kulanka ka sheegay in heshiiskan uu yahay kii ugu dambeeyay ee tallaabooyin hal dhinac ah oo ay Itoobiya qaadayso oo ay iska indho tirayso danaha dawladaha Afrikaanka ah.

“Tallaabadan hal dhinac ee Itoobiya waxay khatar ku tahay amniga qaramada Carabta iyo maraakiibta badda cas,” danjiraha Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Abuu Bakar, ayaa yiri horaantii toddobaadkan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan kala saxiixday heshiis ahaa in Somaliland ay Itoobiya ka kirayn doonto dhul dhan 20km oo xeebta ha, halka Ethiopia ay aqoonsi siinayso Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response