Wasaaradda Gargaarka oo ka digtay fatahaado horleh{AKHRISO}

by admin | Friday, Sep 11, 2020 | 379 views

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka dawladda FS ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan in la filan karo fatahaad baaxad leh oo uu todobaadka soo socda samayn karo wabiga Shabeelle, maadaama la saadaalinayo in roobab mahiigaan ah ay ka da’aan dhulka sare ee Ethiopia oo wabigu ka soo bilowdo.

Warbixin ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in haatanba xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu wabigu ku fatahay, ayna ka dhalatay saamayn nololeed.

Like it? Share it!

Leave A Response