Puntland Oo Digniin Cusub Kasoo Saartay Cudurka COVID-19

by admin | Wednesday, Sep 9, 2020 | 375 views

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay uu jiro sara ukac ku yimid dadka laga helayo xanuunka safmareenka COVID19.

Wasiir Jaamca Farax ayaa waxaa uu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay Cudurka laga baaray 321 qof, isla markaana 31 laga helay, taas oo ka noqonaysa 8% kiiba.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dad safar u socday oo caafimaad ahaan isku arkayay inay caafimaad qabaan laga helay xanuunka, taasi oo cadaynaysa in qofka isaga oo caafimaad qaba uu wadi karo xanuunka, waxaana uu xusay in dadka xanuunka iskaga shakiya ay xarumaha yimaadaan si lacag la’aan ahna looga baarayo xarumaha Garowe iyo Boosaaso.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn bulshada la wadaagay inay taxadarkooda dib usoo celiyaan, sidoo kalanna la isticmaalo afxirashada.

Like it? Share it!

Leave A Response