Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

by admin | Wednesday, Feb 23, 2022 | 529 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig  Ciidano katirsan kuwa Uganda oo kamid ah AMISOM ku leeyihiin degaanka Cadow Dibile oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka, kaasnoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay inay dileen Saddex Sarkaal oo kamid ahaa miino baarayaasha Ciidamada Uganda walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankooda ka hadlin weli davaalka, hayeeshee waxaa lagu soo waramayaa in xaaladda degaalka Cadow Dibile ay degan tahay, isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda.

Like it? Share it!

Leave A Response