Shir looga hadlayay Abaaraha oo lagu qabtay Baydhabo

by admin | Tuesday, Feb 22, 2022 | 470 views

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xildhibaan Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta shir Gudoomiyey Shir looga hadlayey wax ka qabashada dadka Abaartu saameysey ee ku Nool Deeganada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed sidii Gargaar Deg deg ah loo gaarsiin lahaa.

Shirka oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa qeyb galey kuixigeenka Madax Hay’adda UN Ocha ee Soomaaliya Peter Ekayu , Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Garaarka , Tamarta iyo Khayraadka Biyaha , Gudoomiyaha Gudiga Qoxotiga , Agaasimaha Guud ee Wasaradda Gargaarka KGS &  Qaar ka Mid ah Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa diirada lagu saaray sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameeysay, iyada oo la kaashanayo Ganacsatada degaannada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xildhibaan Dr Cali Saciid Faqi ayaa ayaa dowladda Soomaaliya,  Hay’adaha Caalamiga ah iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ka codsadaan inay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay abaartu saaneeysay.

Degaano iyo degmooyin kuyaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dadka kunool waxaa sanadkaan saameeyay abaaro baahsan, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah ay ku mashquuleen howlaha doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response