Mid kamid ah haraadigii dimuqraadiyiinta Somalia oo geeriyooday

by admin | Wednesday, Feb 23, 2022 | 347 views

Waxa dhowaan ku geeriyooday dalka Sweden xubin ka tirsanaa golihii u dambeeyay ee baarlamaan Soomaaliya oo doorasho axsaab badan lagu soo doorto, taas oo ka dhigayso in aysan jiran xubno badan oo ka harsan oo si xushamad leh lagu xusuusto.

Xersi Bulxan Faarah ayaa geeriyooday 2dii Febraayo, da’diisana lagu qayaasayay 100 sano jir, isagoo ku soo dhex noolaa qaska Soomaaliya intiisa badan, kana badbaaday dhiilooyinkii dowladburburka.

Geerida Mudane Bulxan waxay la macno tahay in aanay jirin siyaasiyiin badan oo kuraas ka heley Golihii Baarlamaanka oo ku soo baxay doorasho qof-iyo-cod ah. Doorasho noocaas ah waxa ka soo wareegtay 52 sano.

Dad badan waxay ku yiqiineen in uu sanooyin badan ku lug lahaa siyaasadaha iyo maamulka ee dalkan Geeska Afrika ku yaal.

Doorkiisa siyaasadda wuxuu soo muuqday markii loo doortay Golihii Barlamaanka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee berigaas oo ka koobnaa 123-xubnood.

Isla kursiga uu ku soo baxay (AUN) Bulxan, waxa hore loogu doortay Jaamac Aw Nuurcali (oo la doortay 1964) iyo Daahir Nuur (oo la doortay 1960). Seddaxdaba midba markiisa ayuu xisbi iska shaxaxay.

Markaas Soomaaliya waxay ahayd demoqraadiyad soo ifaysa, doorashadiisana waxay calaamad u ahayd isu dulqaadashada axsaabta kala duwan.

Doorashada bil kaddib, Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke wuxuu ra’iisulwasaare u magacaabay Maxamed Ibrahim Cigaal. Xukuumadiisa cusbayd, wuxuu Cigaal u magacaabay Bulxan Wariirka Beeraha.

Hase yeeshee, lix bilood gudahood waxa la dilay Madaxweeyne Sharmarke oo uu dilay mid ka mid ah ilaaladiisii isagoo booqanayo Magaalada Laas Canood, 1,030 km waqooyi galbeed ka xigta Muqdisho, 15-kii Oktoobar 1969. Maydka Sharmarke waxa loo soo duuliyay Mudisho, kaddibna lagu aasay 20-kii Oktoobar.

Like it? Share it!

Leave A Response